Weriyayaal BBC ka tirsan oo lagu xiray Libya

Image caption Weriyayaasha BBC ee la jirdilay

Saddex suxufi oo ka tirsan BBC oo lagu xiray dalka Libya ayaa warbixinno ka dhiibay xaaladda xabsiyada Libya kadib markii la sii daayay.

Waxay sheegeen in xabsiga ay ku jireen ay ka maqlayeen qeylo badan oo ka baxaysay dad la jirdilayo.

Kadib markii lagu joojiyay baabuurkii ay wateen goob ciidamada isbaaro u taallay oo duleedka magaalada Tripoli ah, isla markaana inta la xiray loo qaaday xero ciidamadu leeyihiin, kooxda weriyayaasha ee BBC gacmaha ayaa laga katiineeyay, madaxa waxaana loo geliyay maro, kadibna waa la garaacay.

Ugu yaraan laba jeer 21aad saacadood ee la hayay waxaa lagu sameeyay toogasho been been ah.

Dowladda Libya ayaa hadda waxay garawsatay in waxa lagu sameeyay weriayaayasha ay ahaayeen wax qaldan.

"Laakiin garaacida iyo jirdilka ay arkeen ee lagu sameynayay maxaabiista kale ee Libya ayaa ka sii darneyd tooda".

Sidaasi waxaa yiri, Goktay Koraltan oo ah Cameraman BBC ka tirsan.

Kooxda BBC oo ka tirsan laanta Af Carabiga ayaa waxa ay u socdeen magaalada Zawiyah markii la qabtay.

Image caption Liliane Landor, Madaxa afafka dibedda ee BBC

Madaxa afafka dibedda ee BBC Liliane Landor, oo ka hadashay arrintaasi ayaa waxa ay sheegtay in BBC ay sii wadi doonto hawsheeda ah inay sii wadi doonto Libya, isla markaana ay tahay waajibkeeda inay shaqadeeda saxaafadeed gudato.

Afara maalmood oo dagaal uu ka socdayna waxa ay hadda u egtahay in magaalada oo 50 KM u jirta magaalada caasimada Tripoli dhinaca galbeed, inay la wareegeen ciidamada dowladda.

Aad ayay u adkeyd in laga soo wariyo magaalada Zawiya.

Warar ka ka imanaya magaalada ayaa sheegaya inay jiraan dad badan oo ku dhaawacmay qaarna ku dhinteen dagaallada ka dhacay Zawiya, iyadoo burbur weyn uu gaaray dhismooyinka magaalada.