Xalka dhibaatada burcadbadeedda Soomaaliya

Johnie Carson
Image caption Kaaliyaha xoghayaha dibedda Maraykanka

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda dalka Maraykanka, Johnnie Carson ayaa sheegay in arrinta burcad badeednimada Soomaaliya aan lagu xalin karin badwaynta.

Mr Carson ayaa sheegay in burcad badeedda ay ku raaxaystaan marka ay saldhigyadooda ku laabtaan xukun ku qaadid la'aan, oo aanay jirin cid dacwad ku soo oogta iyo maxkamad loo saaro dambiyada burcadbadeednimada ee ay galaan.

Xal kama dambays ah ayuu tilmaamay in uu iman karo oo kaliya marka Soomaaliya ay yeelato dowladda leh ciidamada amniga, booliiska iyo sharci ogolaanaya in burcad-badeeda la maxkamadeeyo.

Wuxuu kaloo sheegay in burcadbadeedda Badda cas laga yaabo in uu sii noqonayo ganacsi dambi ah oo milyamaad laga helo, oo uu ka sii gudbayo in uu u gaar yahay Soomaali.