Dagaalka mucaaradka iyo dowladda Libya

Bomb ay ku rideen diyaaradaha dagaalka libya magaalooyinka ay mucaaradka haystaan Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Bomb ay ku rideen diyaaradaha dagaalka libya mid ka mid ah magaalooyinka ay haystaan mucaaradka

Telefishinka Libya ayaa sheegay in ciidamada taageeraya Colonel Qadafi ay hadda xukumaan magaalada Zawiya ee u dhow magaalo madaxda Tripoli, kadib dagaal culus oo dhexmaray mucaaradka iyo askarta dowladda.

Ma jiro dad madaxbanaan oo laga hubiyo inay dowladda la wareegtay magaalada Zawiya, sababtoo ah magaalada ayaa laga mamnuucay wariyayaasha.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in konton taangiyo loo soo diray Zawiya, ayna ciidamada isticmaaleen madaafiic.

Mid ka mid ah dadka degan Zawiya ayaa BBCda u sheegay in guryo ay soo dumeen, dadkana ay hada ka baxayaan magaalada .

Wariyaha BBCda ee Tripoli ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ka faaidaysanayaan mucaaradka oo aan haysan hub ku filan iyo hogaan habaysan.