Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya oo amartay xiritaanka xeryo

Image caption Human Righs Watch

Human Rights Watch ayaa Sheegtay in Kenya ay si qasab ugu celinayso qaxoootiga Soomaalida ee dagaalka ka soo cararay somaliya.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay ku amartay hayadda Bisha Cas inay xirto xero kumeel gaar ah oo ay ku jiran saddex iyo toban kun oo qaxooti ah kuna taala Mandera.

Xerada ayaa waxaa ku jira qaxooti ka soo cararay dagaalka Somalia bilihii ugu danbeeyay.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ay ku qasbayaan Soomaalida inay ku noqdaan meelaha dagaalka uu ka socdo.

Kenya ayaa beeninaysa eedayntan, oo sheegtay in qaxoootiga in ay iskood u noqdeen.

Ben Rowlence oo ka tirsan Human Rights watch ayaan ka waraysanay.