Kenya oo ka walaacsan Soomaaliya

Image caption Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki

Kenya waxaa marti u ah dad ka badan 500 kun oo Soomaali ah oo ku jira xeryo kala duwan oo dalkaas ku yaalla, tiraduna way sii kordhaysaa taasoo ay ugu wacan tahay dagaallada ka soo cusboonaaday Soomaaliya bishii la soo dhaafay. Waxaa uu sheegay madaxweynuhu in nabadgelyo darrada Soomaaliya ay ka dhasheen labo dhibaato oo mataano ah oo kala ah argagixisanimo iyo burcad-badeednimo. Madaxweyne Kibaki waxaa uu sidaas sheegay mar uu Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ugu baaqayay inay kaalmo degdeg ah la soo gaaraan Soomaaliya si aanay u dhicin masiibo bani'aadanimo oo aad u ba'an dhaqdhaqaaqa dadweynaha Soomaaliya awgeed. Madaxweynaha oo magaalada Nairobi qado sharaf ugu sameeyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, iyo xubno guddiga fulinta ee Qaramada Midoobay, waxaa uu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko Qaramada Midoobay oo doorkeeda saxda ah ka qaadata sidii loo dhammayn lahaa colaadda sokeeye ee Soomaaliya oo dhibaato ku haysa malaayiin qof oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan haween iyo carruur kuwaas oo iyagu ah dadka culayska dhibaatadu ku dhacdo ayna ugu wacan tahay sharci iyo kala dambayn la'aanta Soomaaliya ka taagan.