Angelina Jolie oo booqatay qaxooti Soomaali ah

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Angelina Jolie oo la fadhida gabar Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah Tunisia

Gabadha caanka ah ee jisha filimada, Angelina Jolie, ayaa maanta booqatay xero ay ku jiraan qaxootiga Soomaalida ee ku sugan soohdinta u dhexeysa Libya iyo Tunisia.

Angelina Jolie, oo danjire u ah hey'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR, ayaa waxa ay tagtay xerada la yiraahdo Shousha oo ku taalla Ras Djir ee dalka Tunisia oo sideed KM iu jirta soohdinta Libya.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Tunisia in ka badan 200,000 oo dad ah ayaa ka qaxay Libya oo galay dalka Tunisia ilaa bishii February.

Dadka qaxootiga ah ee ku sugan xeradaasi ayaa u badan dad u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Bangladesh, Egypt iyo Sudan.

Xerada Shousha waxaa ku jira ilaa 8,700 oo badankoodu yihiin Soomaali, Chad iyo Sudanese.