Laurent Gbagbo oo xukunka ka degi raba

Ciidamada Faransiiska ee jooga magaalo madaxda Abidjan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Faransiiska ee jooga magaalo madaxda Abidjan

Kadib dagaal socday maalmo magaalo madaxda Ivory Coast ee Abidjan ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Alain Juppe uu sheegay inay socdaan wadahadalo lagu xaqiijinaayo inuu xukunka ka dego Laurent Gbagbo oo diidanaa inuuu xukunka ka dego.

Mr Juppe ayaa hadlayay kadib markii uu Wasiirka Arrimaha dibadda ee Laurent Gbagbo uu sheegay in xabad joojin lagu heshiiyay

Laakiin saraakiil sare oo daacad u ah Madaxweynaha Ivory Coast Allasanne Ouattara ayaa sheegay in ay qasab tahay inuu xukunka ka dego laurent Gbagbo si sharuuud laaan ah.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ee magaalo madaxda Ivory Coast ee Abidjan ayaa sheegay in Laurent Gbagbo uu u cararay god dhulka hoostiisa ee guriga Madaxweynaha.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday ciidamada u dagaalamaya laurent Gbagbo inay hubka dhigaan.