Dooni ku degtay Mediterranean

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Mid ka mid ah dadka la bedbaadiyay ee doonidu ay kula degtay xeebaha Mediterranean

Ilaalada xeebaha waddanka Talyaaniga ayaa sheegay in 250 qof la la'yahay kadib markii doon siday dadkaasi oo soo galooti ka yimid Tunisia ah ay dhexgashay dabaylo ka dhacay badda Mediterranean.

Dadkan ay doonidu la degtay ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan inay ku jiraan Soomaali.

51 qof ayaa laga badbaadiyay doonta oo joogtay xeebaha dhinaca koonfur galbeed ee Talyaaniga ee jasiiradda Lampedusa.

Italy iyo Tunisia waxay ku heshiiyeen talaabooyin ay kaga hortagayaan tirada balaaran ee sii kordheysa ee dadka soo galootiga ee ka imanaya waqooyiga Afrika.

20 kun oo si sharci darro ah ku yimid Talyaaniga ayaa ilaa hadda la siiyay waraaqo degenaansho xilli gaaban ah, laakiin dadka cusub dib ayaa loo celinayaa.