Faransiiska iyo Talyaaniga oo saraakiil militeri u diraya Libya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Mucaaradka Benghazi oo dagaal ku jira

Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay inay u dirayaan Libya tiro yar oo saraakiil militeri ah oo gacan siin doona mucaaradka.

Afhayeenka dowladda Faransiiska, Francois Baroin, ayaa sheegay in saraakiishu ay la shaqeyn doonaan Golaha Qaranka ee KMG ah ee Libya, si ay u xaqiijiyaan difaacidda dadka rayidka ah.

Talaadadii ayaa Britain waxa ay sheegtay in ay koox araakiil militeri ah u direyso Libya gaar ahaan magaalada ay ku xooggan yihiin ee Benghazi.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibedda ee Libya Abdelati Al Cubeydi ayaa sheegay in mustaqbalka colonel Gaddafi ee inuu yahay hogaamiyaha Libya ay wada hadal gali karto marka xabad joojin ay dhacdo.

Wareysi uu siiyay BBC ayaa Mr Al Cubeydi waxa uu ku sheegay in dowladda Libya ay ka go'an tahay xabad joojin ay kor kala socdaan indha indheeyaal caalami ah.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca arrimaha bini'aadanimada Valerie Amos ayaa u sheegtay BBC inay muhiim tahay in la horumariyo ammaanka si dadka reer Libya gargaar loo gaarsiiyo gaar ahaan Misrata.