Xeefow: "Ahlu Sunna ayaa la wareegtay Dhuusamarreeb"

Ciidan Ahlu Sunna
Image caption Ciidan Ahlu Sunna

Mas'uul ka tirsan Madaxda Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa BBC u sheegay in ay dib ula wareegeen maamulka magaalada Dhuusamarreeb.

Shalay ayaa Shabaab qabsatay magaaladaas oo ah xarunta gobolka Galguduud.

Maxamed Yusuf Xeefow, ayaa BBC u sheegay in Shabaab ay isaga baxday magaalada ka dib markii Ahlu Sunna ay culeys militeri soo saartay.

Xeefow wuxuu beeniyay in khilaaf ka dhex jira Ahlu Sunna uu u suurta geliyay Shabaab in ay qabsato Dhuusamarreeb.

Digniin Shabaab

Warar waxaa jiray sheegayay in Shabaab ay farriin u dirtay dadka degaanka Galguduud ay ugu sheegeyso laba arrimood.

Marka hore in dagaalku uu yahay mid dhinaca Shabaab ay ka qeyb gelayaan Soomaali badan iyo weliba ajnebi, laakiin dhanka Galguduud waxa dagaalka ku dhimanayaa ay yihiin dad ka soo jeed beelo yar oo kooban.

Tan labaad in dagaalku ku wajahan yahay degaanno kale oo aan ahayn Galguduud iyagana aan waxba la yeeli doonin hadday u banneeyaan dariiq Shabaab ay ka gudubto.

Xeefow wuxuu BBC u xaqiijiyay in wararkaasi ay ka soo gaareen Shabaab, wuxuuna u dhigay in ay tahay borobagaanda ay Shabaab dooneyso in ay dadka ku khaladdo.

Waxay sheegeen ayuu yiri in ay u socdaa, Djibouti, Yemen iyo Sucuudiga.

Kama rumeysaneyso ayuu yiri, dagaalkana kama deyneyno.

Xeefow wuxuu ku tilmaamay in dagaalka ay ciidankiisu kula jiraan Shabaab, aan dowladdu wax gacan ah ka geysan.