Dagaalka Muqdisho iyo Gobollada dhexe

Ciidamada Dowladda
Image caption Ciidamada Dowladda

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay sagaal kalana waa ay ku dhawacmeen, dagaal maanta barqadii ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa Alshabab.

Dagaalka oo ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa bilowday markii ciidamada dowladda ay weerareen fariisimo ay leeyihiin Al Shabaab, waxaana dadka ku dhintay ama dhawawacmay ay u badnaayeen dhinacyadii dagaalamayay.

AlShabaab ayaa soo bandhigtay maydka askari ay ku sheegeen inuu ka tirsan yahay ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Somalia.

Gobolka Galgaduud

Al Shabaab ayaa maanta weeraray fadhiisin ciidanka Ahlu Sunna ay ku lahaayeen dhagaxyaalle oo ka tirsan gobolka Galguduud. lix ruux ayaa ku dhintay kow iyo toban kalena kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii ay Al Shabaab la wareegtay goobtaas, ka hor intii aan laga saarin.

Warku wuxuu sheegayaa in dadka dhintay ay yihiin labada dhinac ee dagaallamay.