Xuska 20 guurada Gooni-isu-taagga Somaliland

Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa ee Somaliland
Image caption Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa ee Somaliland

Kumanaan ka tirsan dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa saaka isugu soo baxay jidadka waaweyn oo u dabaldegaayay sanad guurada 20-aad ee Gooni-isu-taagga Somaliland ee 18ka May.

Waxaa Xuska munaasabaddan, oo dadwayne fara badan ka soo qaybgaleen lagu soo bandhigay gaardis iyo gaadda ka ciyaar ay ciidamada kala duwan ee Somaliland, Shaqaalaha iyo Ardaydu ay ku mareen jidka bartamaha Hargeysa, iyagoo salaan siinayay Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland .

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadweynaha ayaa markii danbe isugu tegay fagaaraha Beerta xorriyada ee Hargeysa, halkaas oo uu khudbad uga jeediyay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo uu ku soo qaaday wixii u qabsoomay Somaliland labaatankaa sano.