Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda oo dagaalka guul ka sheegatay

Image caption Ciidammada Midowga Afrika AMISOM ee Muqdisho

Waxaa sii kululaanaya dagaallada magaalada Muqdisho ku dhexmaraya ciidammada dowladda kumeelgaarka oo ay taageerayaan ciidammada Midowga Afrika halkaas ka jooga iyo xoogagga Xarakada Al Shabaab ee ka horjeeda. Dagaalladan oo socday dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa muuqata inay sii xoogeysanayaan iyadoo ciidammada wada jirka ah ee taageeraya dowladda Soomaaliya ay culays weyn ku hayaan fariisimada xoogagga al Shabaab ku xoogga badan yihiin ee agagaaraha suuqa weyn ee Bakaaraha. Waxay dowladdu ku doodaysaa in ciidammadeedu ay la wareegeen waddada muhiimka ah ee Wadnaha loo yaqaan oo ku dhow suuqa Bakaaraha, ayna ku dhow yihiin inay gacanta ku dhigaan deegaannada suuqa u dhow oo dhan.

Wasiirka gaashaandhigga ee dowladda kumeelgaarka Mr Fiqi oo dagaalladan ugu dambeeyay ka hadlay waxaa uu ganacsatada suuqa Bakaaraha u sheegay inaysan ka welwelin nabadgelyada hantidooda oo dowladdu ay ammaankooda ilaalin doonto haddii ay ciidammadeedu suuqa qabsadaan.