Shirka Golaha Ammaanka oo ka furmay Nairobi

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan uga furmay Nairobi.

Waxaa kulankaa lagu marti qaaday Madaxda Dowladda Soomaaliya, oo ay ka yimaadeen laba wafdi oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha iyo uddoomiyaha Baarlamaanku.

Waxaa kale oo iyagana lagu marti qaaday Somaliland, Puntland iyo maamul goboleedka Galmudug.

Arrinta ugu weyn ee laga hadlayo ayaa waxay tahay ammaanka Gobolka iyo xilliga Ku Meel Gaarka ah ee Hey'adaha Federaalka ee Soomaaliya oo ku eg bisha August waxa laga yeelayo.

Sida Weriyaha BBC ee shirka Golaha Ammaanka, Daud Aweis, uu ku soo warramay ma ahan Soomaalida oo keliya dhinacyada laga hadlayo xaaladda Soomaaliya, ee waxaa marka hore uu shirku ku billowday warbixin uu Golaha siiyay Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha guud ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire Dr. Mahiga.

Waxaa kale oo shirka ka hadlay mas'uuliyiin Kenyan ah oo ka warbixiyay xaaladda.

Xalay ayaa ergooyin ka socda Midowga Afrika waxay meelaha ay deggan yihiin gooni gooni ugula kulmeen Wafdiga Madaxweynaha oo uu ku jiro Ra'iisal Wasaaruhu iyo Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka.