Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynaha oo caddeeyay dilka Fazul

Image caption Madaxweynaha Soomaaliya Shariif sh. Axmed

Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dilkii Fazul Abdullah, heshiiskii dhowaan Kampala lagu gaaray iyo bannaanbaxyada dadweynaha ee la xiriira go'aannada heshiiskaas ee maalmahan ka dhacayay deegaanno kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ah.