Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Lix ajnabi ah ayaa lagu xukumay Muqdisho

Image caption Calanka Soomaaliya

Maxkamadda gobolka ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xabsiyo dhaadheer ku xukuntay lix nin oo ajnabi ah oo bishii hore lagu qabtay garoonka dayuuradaha ee Muqdisho iyagoo watay labo dayuuradood oo yaryar iyo lacag caddaan ah oo ka badan saddex milyan oo dollar. Maxkamaddu waxay kaloo la wareegtay dhammaan wixii hanti ah ee dadkaasi ay wateen. Axmed Cabdi Nuur ayaa guddoomiyaha maxkamadda, Dr Xaashi Climi Nuur, ka waraystay sida uu u dhacay xukunka maxkamaddu.