Boko Xaaraam oo sheegatay qaraxa Abuja

Qarax Lahaanshaha sawirka nema
Image caption Qaraxa waxa uu ka dhacay meel u dhaw xarunta booliiska Nigeria

Kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram, ayaa sheegtay inay masuul ka ahaayeen weerarkii bam ee shalay ka dhacay magaalada Abuja ee caasimadda waddanka Nigeria, kaasi oo ay lix qof ku dhinteen.

Afhayeen kooxda ka tirsan ayaa soo wacay BBC si uu u sheego in kooxdoodu ay ka danbeysay qaraxii ka dhacay banaanka xarunta ciidamada booliiska ee Nigeria.

Kooxdan ayaa waxa ay ka soo horjeedaa waxbarashada reer galbeedka iyo dowladda Nigeria.

Booliiska ayaa waxa ay ku eedeeyeen kooxda inay ka dambeeyeen qarax labaad oo ka dhacay Waqooyi Bari dalka Nigeria, isla shalay oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex carruur ah.