FIFA oo eedeysay Maxamed Bin Xamaam

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Maxamed Bin Xamaam iyo Jack Warner waxaa laga joojiyay shaqadii ay ka hayeen gudiga FIFA

Warbixin ay aragtay BBC ayaa sheegeysa in caddeynta eedeymaha musuqmaasuqa ee laba xubnood oo sarsare oo ka tirsan hey'adda kubadda cagta adduunka FIFA inay ka xooggan tahay sidii hore ee loo heystay.

Hey'adda maamusha kubadda cagta adduunka FIFA, waxa ay horey u sheegtay inay heyso xog ku filan oo ay baaritaan ku sameyso, laakiin wakaaladda wararka ee PA, ayaa sheegtay inay jirto caddeyn ah in Maxamed Bin Xamaam uu isku dayay inuu laaluusho madaxda xiriirka kubadda cagta ee Caribbean intii lagu guda jiray ololihii madaxtinimadiisa, iyo in Jack Warner uu sahlay isku daygaasi.

Mr Warner ayaa iska casilat dhamaan xilalkii kubadda cagta ee uu hayay, waxaana laga joojiyay dhamaan wixii dacwado ahaa ee loo heystay.

Mr Bin Xamaam ayaa wali waxa ku socda baaritaan. Labada ninba waxa ay beeniyeen inay wax khalad ah ay sameeyeen.