Talada Midowga Afrika ee dalka Libya

African union summit
Image caption Shir-madaxeedka Midowga Afrika

Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa ku baaqay xabbad joojin dalka Libya oo ay ku xigi doonto wada hadallo dhexamra dowladda Libya iyo mucaaradka si loo helo xal siyaasadeed oo kumeelgaar ah oo ku dhammaan doona in dalka ay ka dhacaan doorashooyin dimoqraaddi ah.

Hindise arrintan ku saabsan oo laga soo saaray shir-madaxeed Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Equatorial Guinea ayaa waxaa la soo jeediyay in shirkaasi uu ka dhaco magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Golaha qaranka ee kumeelgaarka ah ee dalka Libya waxay BBC-da u sheegeen inay soo dhoweynayaan yabooha ka soo baxay Midowga Afrika ee ah in wada hadallo la isugu yimaad iyadoo kornayl Qaddaafi uusan si toos ah uga qayb gelayn.