Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saamaynta Abaarta

Image caption Ilma yar oo macluulsan

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee Kenya waa bux-dhaafeen, oo iyagoo la ciir-ciiraya qaxootigii hore, ayaa tan iyo bishii June maalin walba waxaa soo galayey ilaa kun qaxooti ah oo ka soo qaxay abaarta iyo collaada Soomaaliya.

Dhadhaab waxaa ku yaal 3 xero qaxooti, oo waaweyn oo noqotay xerada qaxooti ee u weyn adduunka berigii hore, waxaa loogu talogalay qaxooti ilaa 90 kun qof ah oo ka soo cararay Soomaaliya, Sudan iyo dalal kale.

Hadase, waxaa ku ool 4 jibbaar tiradii 1990s loo qorsheeyey in ay qaado, oo ay ku noolaadaan Dhadhaab.

Degaanka ay xeryuhu ku yaalaan ee woqooyi-bari Kenya dadka ku nool, waxay ka cawdaan sida qaxootiga faraha badan u saameeyey noloshooda.

Hadda, oo dhulkaas abaar xoog eh ay ka jirto, dadka degaanku waxay ku eedeynayaa dawladda Kenya iyo hay'adaha gargaarku in aysan wax ka qaban dhibaatada bani-aadaminimo ee iyagana haysata.

Wariyaha BBCda Maxamuud Ali oo maalmahan joogay Dhadhaab, ayaa tegay degaanada u dhow dhow xeryaha qaxootiga oo warbixintan nooga soo diray.

Maxamuud Cali, ayaa sheegay in duleedka xeryaha ay dadku degaanka laftooda dhibaatada abaartu ay xoog u saamaysay. Dadka ayuu ka hadlay in dhibaatada abaartu ay u horseeday in ay hadba naftooda ula cararaan meeshii ugu dhow ee biyo loogu sheego.