7 Luulyo, 2011, 15:07 GMT 18:07 SGA

Daawo Xaalada xerada Dhadhaab

Media Player

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Ku daar media player kale

Saraaakiisha xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in laga yaabo in tirada qaxootiga xeradaas ku sugan ay mar dhow gaaraan nus malyuun iyada oo ay ugu wacan tahay qaxootiga maalin walba ka soo gelaya Soomaaliya.

Weriyaha BBC oo ku sugan xerada ayaa sheegay in carruurta da'doodu ay shan jirka ka yar tahay ay yihiin kuwa ugu nugul, iyada oo qaarkood ay dhintaan isla maalinta ay xerada soo gaaraan.
Tirada ilamaha muluqa ah ee xerada ku dhinta waxaa lagu qiyaasay in ay saddex laab noqotay.

Waxay wararka qaar sheegayaan in dadkaas qaarkood ay maalmo badan soo lugeynayeen si ay xerada u soo gaaraan, ayada oo jidka lagu furtay qaarna lagu kufsaday.

Dadku waxay ka soo qaxayaan abaaro iyo colaad is barkaday, Xarakada Al Shabaab af hayeen u hadlayna waxaa laga soo weriyay in uu maanta sheegay in Al Shabaab ay soo dhaweyneyso cid kasta oo gacan siineysa dadka abaartu ku habsatay.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.