Ciidan gurmad ah oo Muqdisho tegaya

Task force
Image caption Ciidanka gurmadka u hawl gala

Ciidamada gurmadka degdegga ah ee Midowga Afrika, qeybta Bariga Afrika, oo saldhiggoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wada qorshe ay uga qeyb qaadanayaan dadaalka loogu gargaarayo dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa Soomaaliya u diri doona koox dhakhaatiir ah oo adeeg caafimaad ka fidin doona magaalada Muqdisho.

Ahmed Sheikh Mohamed oo ka tirsan saraakiisha sare ee ciidamadaas ayaa qorshahaasi uga warramay weriyaha BBC, Daud Aweis.