Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muslim Aid oo gargaar qaybisay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadka abaarta ku barakacay ee Muqdisho jooga

Magaalada Muqdisho oo weli ay soo gelayaan dadkii ku barakacay abaarta ba'an ee ka jirta inta badan gobollada koofurta Soomaaliya, ayaa goobaha ay degeen waxaa lagu gaarsiiyaa gargaar iyo wixii taakulo ah ee hay'adaah samafalka iyo dadka magaaladu u heli karaan.

Gargaarkii u dambeeyey waxaa maanta u qaybiyey qaar ka mid ah barakacayaasha ururka samafalka ee Muslim Aid. Waxaa joogay goobtii laga qaybiyey mucaawinadaas weriyaha BBC, Maxamed Maxamuud Dhoorre.