Suuqyada caalamka oo qiime dhac ku yimid

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Suuqyada reer Yurub iyo Asia ayaa saaka qiimuhu hoos u dhacay

Suuqyada lacagaha ee caalamka oo dhan ayaa hoos u dhac weyn uu ku yimid, iyada oo ay jirto shaki laga qabo soo kabashada dhaqaalaha aduunka iyo dhibaatada xagga deymaha ee ka jira dalalka Eurozone.

Suuqyada reer Yurub ayaa ku furmay in ka badan boqolkiiba saddex hoos u dhac, taasi oo ay sii raacday suuqyada dalalka Asia oo iyaguna qiime dhac ka sii balaaran uu ku dhacay, taasi oo suuqyadu ay hadda lumiyeen wixii faa'iido ahaa ee ay sameeyeen sanadkan.

Wasiirka Dhaqaalaha ee Japan Yoshihiko Noda ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay si hoose ula socoto xaaladda suuqyada.