South Africa oo gargaar qaybisay

South Africa Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Gargaarka South Africa

Hay'adda gargaarka geysay waxay dhaleecaysay sida ay gaabiska u tahay jawaabta ay Afrika ka bixinayso macluusha ka jirta Soomaaliya. Madaxa hay'addan oo lagu magacaabo Gift of the givers, Imtiaz Sooliman, waxaa uu sheegay Afrika inay u muuqato mid aan waxba ka gelin dadka qaaradda ku nool.

Midowga Afrika waxay dib u dhigeen ilaa 25-ka bishan shir-madaxeed lacag loogu ballan qaadi lahaa Soomaaliya. isla markaana dalka Tanzania waxaa uu ku dhawaaqay inuu 300 ton oo galley ah u dirayo Soomaaliya, halka wiil yar oo 11 jir ah oo u dhashay dalka Ghana uu soo ururiyay 500 dollar oo uu ku bixinayo abaarta Soomaaliya.