Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir looga hadlayo abaarta

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Biyo xireen

Abaarta ka jirta Geeska Afrika ayaa saamaysay in ka badan laba iyo Toban milyan oo qof inay u baahdaan gargaar deg deg ah.

Laakiin waxaa la og yahay in abaarta ay dhacdo sanad walba, waxaana la samayn karaa qorshe diyaar loogu noqonayo oo cuntada iyo biyaha lagu kaydiyo si loo isticmaalo waqtiga uu roobku maqan yahay.

kaydka biyaha iyo cuntada wadanka wuxuu u baahan yahay maalgalin dhinaca beeraha iyo biyaha.

Dr Cabdiraxmaan Beileh wuxuu ka tirsan yahay Bangiga Horumarinta Afrika waana agaasimaha beeraha iyo horumarinta reer miyiga ee dalaka koonfurta Afrika ee Bangiga horumarinta Afrika ayaan ka waraystay arrintaas.

Yemen

Dalka Yaman ayaa wuxuu ka mid yahay wadamada saboolka ah in kastoo uu soo saaro wadanka shidaal.

Waxaa wadanka ka jira shaqo laaan badan, Waxaana hadda wadanka ka socda kacdoon ay dadka ku doonayaan isbadal siyaasadeed iyo mid bulsho.

Hayadda Horumarinta caalamiga ee Maraykanka USAID ayaa ka bilowday Yaman mashruucyo dadka shaqo loogu abuurayo Jamaal Maxamed Xassan oo ka tirsan Hayadda USAID ayaan ka warystay.