Mahiga oo ka digay dagaal oogayaashii

Ambassador Mahiga
Image caption Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mahiga

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga wuxuu ka digay in qabqablayaashii dagaalka ee Soomaaliya ay buuxin doonaan dhulkii ay ka baxeen xoogaga Shabaab ee caasimadda Muqdisho haddii dowladdu ay degdeg u qaadi weydo tallaabo ay wax kaga qabanayso ammaanka iyo kala dambeynta.

Ambassador Mahiga oo isagoo joogay Muqdisho shalay Arbacadii uga warramayay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee New York sidii lama filaanka ahayd ee Shababku uga baxeen caasimadda Soomaaliya, wuxuu sheegay in ay ka dhigan tahay fursaddii u horreysay muddo sanado ah oo dowladda kumeelgaarka ee Soomaaliya ay ka wada taliso caasimadda.

Khadka video la iska arko ayuu ugu warramay golaha ammaanka, wuxuuna yiri 'waa fursad wax weyn ku kordhineysa qorshaha caalamiga ah ee ammaanka iyo siyaasadda ee loo dejiyey dowladda kmg ee Soomaaliya, wuxuuna yiri oo kale waa fursad loo baahan yahay TFG inay ka faaiideysato xaaladda ku soo korortay caasimadda.