Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Andrew Mitchell oo tagay Somalia

Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain Andrew Mitchell ayaa booqday Muqdisho, waa markii ugu horaysay ee wasiir British ah uu tago Somaaliya mudo siddeed iyo toban sano ah

Xoghayaha ayaa markuu Muqdisho tagay wuxuu la kulmay gudiga masiibooyinka.

Wuxuu kaloo booqday xafiiska Villa Somaaliya wuxuu kulan la yeeshay Ra'iisalwaasaarha iyo qaar ka mid ah wasiirada.

Wuxuu xoghayaha sheegay in Britain ay hormuud ka tahay gargaarka loo fidaanayo dadka abaaraha ay hayso ee geeska Afrika, taasina ay tahay sababta ay Muqdisho u imaadeen.