Gaddafi ayaa la baadi goobayaa

Gaddafi Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gaddafi

Mucaaradka Libya ayaa weli raadinaya Colonel Gaddafi, ka dib markii ay qabsadeen xaruntiisii magaalada Tripoli.

Waxay sheegayaan in ay aakhrika soo xirir doonaan, waxayse qireen in aysan ka warqabin meesha isaga iyo qoyskiisiiba ay aadeen.

Dhambaal cod ah, oo laga sii daayay TV ay maamulaan dad isaga raacsan, ayuu Gaddafi wuxuu sheegay in uu dagaallami doono ilaa uu guuleysto ama uu dhinto.

Wuxuu ku tilmaamay sababta uu uga baxay qasrigiisu in ay tahay xeel dagaal.

Weriye BBC oo jooga Tripoli ayaa ku tilmaamay in aan qofna rumeysan hadalkaaddafi