Amiir Sacuudi ah oo booqday Muqdisho

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Amiir Al Waleed waxa uu tegey xeryaha dadka soo barakacay

Amiir Al-Waleed Bin Talal, oo adeer uu u yahay boqorka Sacuudiga ayaa tegey magaalada Muqdisho si uu ugu kuugalo xaaladda dadka abaaruhu ay saameeyeen.

Wafdiga amiirka ayaa soo arkay xeryaha dadka barakacay ay ku jiraan ee magaalada Muqdisho.

Abaarta Soomaaliya ayaa gaartay heer aad u xun, taasi oo keentay in kumanaan qof ay guryahooda ka cararaan.

Qaramada Midoobay waxa ay ku tilmaantay macluusha iyo abaarta ka jirta Soomaaliya inay tahay tii ugu xumeyd ee soo marta dalka muddo konton sano ka bada.