Weerar qarax ee Hindiya iyo Pakistan

Dhaawaca qaraxa delhi Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dhaawaca qaraxa delhi

Raiisal wasaaraha India Manmohan Singh ayaa cambaareeyay weerar bobm oo lagu qaaday maxkamada sare ee Delhi.

Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay afartan iyo toddobana waa dhaawacantay .

Qaraxa ayaa dhacay tobankii subaxnimo iyadoo ay dadka aad u buuxaan jidadka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee India ayaa Baarlamaanka u sheegay inaan la sheegi karin hadda cida ka danbaysay weerarka.

Pakistaan

Laba qof ayaa isku qarxiyay xarun ciidan ee Quetta oo xiray toddobaadkan gudahiisa saddex hogaamiye Alqacida.

Qaraxa ayaa dilay sagaal iyo toban qof waxayna dhaawacday dad badan.

Mid ka mid ah nimanka is qarxiyay ayaa ku qarxiyay Bambka guriga ku xigeenka madaxa ciidanka, isagoo dhaawacay ku xigeenka madaxa ciidanka, dilayna xaaskiisa.

Qofka kale ee weerarka qaaday ayaa ku jiray baabuur uu ka buuxo waxyaabaha qarxa meel u dhow xafiisyada dowladda.