Mareykanka oo duqeeyay al-Shabaab

Image caption Shabaab waxa ay gacanta ku heysaa inta badan gobollada koonfureed

Dagaal ayaa ka dhacay koonfurta Soomaaliya, oo ay ku lug leeyihiin dayaaradaha aanay cidina wadin ee Mareykanka iyo ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya kuwaasi oo weeraray kooxda islaamiga ee al-Shabaab.

Warar ka soo baxay dad goobjoob ah ayaa sheegaya saddex tuulo oo u dhexeysa magaalada Kismaayo in dhinaca hawada laga dukheeyay.

Dekedda Kismaayo ayaa ah meel muhiim ah oo ay alaabadu uga so degaan goobaha Shabaabku ka taliyaan.

Mid ka mid ah gantaalada Mareykanka ayaa la sheegay inuu qarxi waayay. al-Shabaab na waxa ay sheegeen inay hayaan

Dhinaca kale ciidanka dowladda ayaa lagu soo warramay inay dagaal kula galeen al-Shabaab gobolka Gedo.

Tobanaan kun oo Soomaali ah ayaa u qaxay magaalada ay dowladdu gacanta ku heyso ee Garbahaareey si ay uga baxsadaan macluusha.