Bisha Cas oo ka qaybinaysa cunto dhulka abaarta

Dadka ay saamaysay abaarta
Image caption Dadka ay saamaysay abaarta

Hayadda caalamiga ee gargaarka ee Bisha Cas ayaa sheegtay inay isku diyaarinayso inay cunto gargaar ah ay siiyaan in ka badan hal milyan oo qof.

Baabuur ay saaran yihiin cunto toddobo iyo toban kun oo tan oo cunto ah ayaa ka bixi doona Muqdisho, oo aadi goboladda ay maamulaan Al Shabaab.

Abuur ayaa loo qaybin doonaa dadka si ay uga faaidaystaan beeralayda markii uu da'o roobka Oktobar.

Cuntada gargaarka oo kala ah bariis, digir iyo saliid ayaa loo qaybin doonaa dadka.