Haqqani oo sheegtay in Mareykanku la xiriiray

Haqqani
Image caption Haqqani, waa madaxa kooxda Haqqani

Hoggaamiyaha Kooxda malliishiyada ah ee Haqqani ee dalka Afghanistan ayaa sheegaya in hey'adaha sirdoonka Mareykanku ay la xiriireen, ayaga oo raba in kooxdiisu ay wadahadal nabadeed la gasho dowladda Afghanistan.

Siraj Haqqani, waxaa uu tallaabadaas ku tilmaamay mid ku wajahan in khilaaf la dhex dhigo kooxdiisa iyo Taliban.

Su'aalo ay BBC Pashto qoraal ugu gudbisay ayuu cod ahaan uga soo jawaabay isaga oo soo duubay jawaabaha.

Wuxuu ku tilmaamay in kooxdiisu ay awaamirta ka qaadato taliban, ee aanay hoos tegin sirdoonka Pakistan.

Wuxuu ku tilmaamay oo kale, in weerarradii dhowaan ka dhacay Kabul, ee lagu eedeeyay kooxdiisu in ay ka dambeysay ay ahaayeen kuwo uu fuliyay Gole Militeri oo Taliban ay magacawday.