Steve Jobs oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Steve Jobs waxa uu ahaa mid ka mid ah labadii qof ee i aasaasay shirkadda Apple

Aasaasihii iyo madaxii hore ee shirkadda Apple, Steve Jobs ayaa geeriyooday isaga oo 56 jir ah. Madaxweyne Obama ayaa sheebgay in caalamku waayay nin aragti dheer lahaa.

Bogagga bulshada ee internetka ayaa waxa buuxiyay farriimo ku saabsan dhimashada Steve Jobs, oo dhawaan iska casilay jagadii uu hayay ee Madaxa shirkadda Apple.

Steve waxa in muddo ahba hayay cudurka Cancer. Waxa uu ku dhintay gobolka California ee dalka Mareykanka.