Dhaawac loo qaaday Turkey

Waa qaraxii ugu waynaa ee ka dhaca Soomaaliya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Waa qaraxii ugu waynaa ee ka dhaca Soomaaliya sanadihii u danbeeyay

Diyaaradda Turkish Airline ayaa ka qaaday magaaladda Muqdisho soddon iyo lix qof oo ah dadkii sida xun ugu dhaawacmay qaraxii talaadada ka dhacay wasaaradaha dowladda.

Waxaa dalka Turkiga looga daawayn doonaa dhaawacooda. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ayaa u badnaa dhalinyaro ka yar siddeed iyo toban jir, oo yimid wasaaradda waxbarashada si ay u fiirsadaan natiijada deeq waxbarasho oo ay ku aadi lahaayeen Turkey.

Raiisal wasaaraha Turkiga ayaa dhawaan booqday Soomaalia wuxuuna u balanqaaday gargaar iyo maalgalin badan wadanka.