Liam Fox oo is cailay

Xoghayaha Difaaca Britain, Liam Fox, ayaa is casilay.

Maalmo dhowr ah ayaa waxaa socday eedeymo isaga ka dhan ah oo ku salaysan warar la isla dhex marayay oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya isaga iyo mid ka mid ah la Taliyayaashiisa, Adam Werrity.

Xoghayuhu wuxuu ku eedeysnaa in saaxiibkiis oo aan dowladda u shaqeyn ay isu raaceen safarro shaqo oo ay dowladdu leedahay.

Waxaa kale oo lagu eedeeyay in uu la kulmay ganacsato uu kulankooda u qaban qaabiyay saaxiibkiis ee aanay qaban qaabin Wasaaradda Difaaca ee Britain.

Arrintani waxay ku soo beegantay iyada oo Britain ay dagaal uga jirto Afghanistan, isla markaana ciidankeedu ay qeyb ka yihiin xulufada ka dagaallameysa Libya.