Kenya oo bilaabaysa howlo ammaan

Ganacsatada Soomaalida ee Eastleigh Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ganacsatada Soomaalida ee Eastleigh

Kenya ayaa ku dhawaaqday inay bilaabayso howlo lagu adkaynaayo amaanka magaalada Nairobi si ay u raadiso taageerayaasha AlShabaab.

Iyagoo ka hadalaya Baarlamaanka shan maalmood kadib markii ciidamada Kenya galeen Soomaaliya, ayaa dowladda waxay ku tilmaantay xaafada Soomalida ee Nairobi inay tahay meel Al Shabaab ay xoog ku leedahay.

Ku xigeen ka wasiirka ammaanka Orwa Ojode ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay qaadi doonaan waxa uu ugu yeereen hooyada howlaha amaanka, wuxuuna balan qaaday inaysan saamayn doonin Soomaalida reer Kenya.