Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Banaanbax ay Samaysay Al Shabaab

Lahaanshaha sawirka bbc
Image caption Kooxda Al Shabaab

Banaanbax looga soo horjeedo soo gelitaanka ciidamada Kenya ayaa ka dhacay magaalooyinka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee ay Alshabaab ka taliyaan. Magaalooyinka Ceelbuur, Beledweyne, Jowhar iyo Marka ayay dadka isku soo baxeen.

Deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa dad isugu soo baxay waxaa la hadlay dadka Muqtaar Roobow iyo Xasan Daahir aways.

Muqtaar Rooboow wuxuu sheegay in la weeraro dalka kenya hadii Kenya ay joojin waydo duqaynta ay ku wado dekada magaalada Kismaayo, iyo in hadii uu xirmo ganacsiga magaalada Kismaayo ay Alshabaab lacag u doonan doonto waddanka Kenya.

Wuxuu ka hadlay Roobow weerarada Kenya oo uu yiri bambo yar oo la tuuraa waxba maahee waa inqaraxyo waaweyn laga fuliyaa Kenya, wuxuu kaloo ka hadlay qilaafka madaxda TFGda ee soo gelitaanka ciidamada Kenya.