Cameron oo ka hadlay dhibaatada burcad badeedda

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron

Raiisul Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa ku dhawaaqay qorshe loogu oggolaanayo maraakiibta ganacsiga ee sita calanka Britain inay kaxeytsaan ilaalo hubeysan si ay uga difaacaan burcad badeedda.

Wareysi uu siiyay BBC, ayaa Mr Cameron waxa uu ku sheegay in uu doonayo in dowladdiisa ay wax badan ka qabato la dagaallanka qatarta heysata maraakiibta xeebaha Soomaaliya isticmaasha.

Weriyaha BBC ee arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in iyadoo ay hadda tahay sharci darro in maraakiibta sidata calanka Britain ay wataan ilaalo hubeysan, in qaar badan ay sameeyaan, sababtoo shirkadaha maraakiibta ayaa dareesan in aanay heysan wax kale oo ay sameeyaan.

Ilaa konton markab ayaa laga afduubay xeebaha Soomaaliya sanadkii hore.