Milatariga Kenya oo digniin bixiyay

Afhayeenka milatariga Kenya ayaa u digay dadka degan sagaal magaallo in weerar lagu soo qaadi doono, isagoo fariin ku soo diray Twitter.

Maj Emmanuel Chirchir ayaa BBCda u sheegay in saldhigyada Alshabaab oo ku yaala magaalooyinka banaankooda la beegsanayo.

"Ciidamada difaaca ee Kenya ayaa ku guubaabinaya qof walba oo ehelo ku leh magaalooyinkan inay u digaan" Maj Chirchir ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter".

Magaalooyinkan ayaa kala ah Baydhabo, Bardheere, Dinsoor, Afgoye, Buale Barawe, Jilib Kismaayo iyo Afmadow.

Wuxuu BBCda u sheegay in Alshabaab ay saldhigyo ku leedahay dibada magaalooyinka ay maamusho.

"Ma weerarayno magaalooyinka ayuu yiri, waxaan weeraraynaa xarumaha Al Shabaab."