Qatarta Hubka Libya

Hubka Libya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hubka Libya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaa uu walaac xoog leh ka muujiyey waxa uu ku danbayn doono hub aad u fara badan oo ay Libya haysatay markii uu Xukunka hayey Col Qaddaafi.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaa uu dalka Libya iyo dalalka Dariska la ah ugu baaqay in ay wax ka qabtaan oo ay joojiyaan hubka la xadayo ee faafaya.

Waxaanu Goluhu sheegay in laga yaabo in hubkaasi uu gacanta u galo, ururka Al-Qaacida iyo Ururada kale ee mintidiinta ah.

Wakiilka Gaarka ah ee Xog Hayaha Guud ee Qaramada Midoobey uga qaabilsan arrimaha Libya oo la yiraaho Ian Martin, waxaa uu BBCda u sheegay in ay haatan socdaan wadahadalo looga gol lee yahay sidii looga maarmi lahaa oo loo baabin lahaa hubka Kimikada ah.