Isbeddelka barta BBC Somali

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption BBC Somali

BBC Somali Website waxaa ku socota hadda hawl muhiim ah oo dib loogu nashqadeynayo, taasi oo micnaheedu yahay in la horumarin doono qaabka wax looga raadsado iyo muuqaalkaba.

Inta xilligan lagu guda jiro, waxaad dareemi doontaa isbeddel aad ku aragto bogagga wararku ku qoran yihiin, mararka qaar taasi waxa keeni kartaa in si isku mid ah aanay u muuqan.

Waxyaabaha aanu soo gudbino ee sida wararka, faalooyinka, maqalka iyo muuqaalka, intuba weli waad ka heli kartaa barteena.

Haddaba maxay yihiin faaiidooyinka naqshaddan cusub?

Muuqaal Cusub: Waxaa meel fiican loo helaayo wararka maalintaa ugu waaweyn, video, sawirro. Waxaannu ku heyn doonaa awoodda inaan ku muujino bogga hore haddii sheekooyinka waaweyn ay leeyihiin kuwo la xiriira.

Si cad u sumadeyn: Iyadoo si cad loo sumadeynayo iyo iyadoo la kormarayo noocyada kala duwan ee wararka oo si fudud looga helo karo bog walba.

Bogagga wararka: Bogagga wararka waxaa loo qaabeynayaa hab dadka soo gala barta ay si toos ah u heli karaan oo ay u kala xulan karaan wararka ugu muhiimsan ee barta. Qadad kale oo meelo kale ku geynaya, kuwo si qaas ah ugu saabsan sheekada, waxaa la dhigayaa bogga dhexdiisa ama meesha hoose.

Video: Video Player-ka waxa uu noqonayaa mid ka balaaran, oo ka tayow anaagsan. Bogaggeena maqalka iyo muuqaalka waxaa jiri doono kuwo kale oo badan.

Wixii ugu danbeeyay: bogga hore, wararka ugu danbeeyay ee la daabacay, waxa ay sidan doonaan saacadda la daabacay, oo ay u tilmaamayaan qofka in warka uu cusub yahay ama hadda dib loo habeeyay.

Wax wadaagga: Qadad kale ayaa dadka u oggolaanaya inay si fudud oo deg deg ah ay ula wadaagaan sheekooyinka, saaxiibadood baraha internetka, oo ay ku jiraan facebook iyo twitter.