Kenya iyo Israel oo iska kaashanaya al Shabaab

Raiisal wasaaraha Kenya Raila Odinga Lahaanshaha sawirka
Image caption Raiisal wasaaraha Kenya Raila Odinga

Ra'iisal Wasaraaha Kenya, Raila Odinga, ayaa Isarel ka codsaday in ay Kenya gacan ka siiso sidii ay al Shabaab ula tacaali lahayd.

Ka dib markii uu Madaxweynaha Isarel, Shimon Peres, uu wadahadal kula yeeshay magaalada Quddus, ayaa saraakiil kenyan ahi waxay sheegeen in Isarel ay ballan qaadday in ay Kenya ka gargaarto wax kasta oo ay u baahan tahay si ay u sugto ammaankeeda gudaha.

Kenya bishii hore ayay ciidankeedu galeen Somalia, ayada oo ku eedeysay al Shabaab in ay ka dambeysay af duubyo dhowr ah oo ka dhacay dalkeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Moses Wetangula, wuxuu BBC u sheegay in Uganda iyo Burundi ay oggolaadeen in ay kordhiyaan tirada ciidanka ka jooga Soomaaliya