Cunaqabataynta Syria

Mudaaharaad lagu taageerayo madaxweyne Assad Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mudaaharaad lagu taageerayo madaxweyne Assad

Wasiirada arrimaha dibadda ee Yurub ayaa la filayaa inay maanta ku heshiiyaan cunaqabatayn lagu soo rogo Syria sababtoo ah dilka ay dowladda ku hayso dadka samaynaya mudaaharaadka looga soo horjeedo dowladda.

Shirka wasiirada ayaa ka dhacaya Brussels waxayna ka hadlayaan sidii loo balaarin lahaa cunqabataynta saaran masuuliyiinta Syria, iyo sidii loo joojin lahaa in Syria ay ka hesho lacag Bangiga Maalgelinta ee Yurub.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Syria,Walid al Mucalim ayaa ka bixiyay jawaab adag go'aankii Syria looga saaray xubinnimada Jaamacadda Carabta.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay go'aanka mid qatar ah, wuxuuna sheegay in soo dhawaynta Maraykanka uu soo dhaweeyay go'aanka mid ah guubaabin dagaal.