Soomaali maxkamad lagu saarayo Paris

Xeebta Soomaliya Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Xeebta Soomaliya

lix nin oo Soomaali ah oo lagu eedeynayo burcadnimo ayaa maxkamad uga bilaabmatay Paris.

Waa markii ugu horaysay ee maxkamad Faransiis ah ay qaado xukun noocan oo kale.

Nimanka ayaa lagu eedeeyay inay afduubeen doon ay saaran yihiin lammaane mee u dhow xeebta Somaaliya saddex sano ka hor, iyagoo waydiistay ugu yaraan hal milyan oo dollar.

Ciidamada qaaska ah ee Faransiiska ayaa weerarary doonta laba toddobaad ka dib iyagoo dilay hal burcad soona badbaadiyay ninkii iyo naagtii is qabay.

Qareenada u doodaya nimanka Soomaalida ayaa sheegay in nimanka ay yihiin kalluumaysato lagu qasbay burcadnimada.