Rabshadaha Masar oo ka sii daraya

Rabshadaha Qaahira ayaa waxaa ku dhintay saddexiyo toban qof Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Rabshadaha Qaahira waxaa ku dhintay in ka badan 20 ruux

Dadka wada dhaqdhaqaaqa ee dalka Masar ayaa ummadda ku boorriyay inay ku soo biiraan isu-soobax ballaaran oo maanta lagu qabanayo bartamaha magaalada Qaahira.

Waxaa loola jeedaa in culays lagu saaro hoggaanka milateriga inay xukunka dalka iska dhiibaan.

Tobannaan kun oo qof oo ashtakoonaya ayaa xalay ku hoydday fagaaraha Taxriir hase ahaatee muddaharaadku weli sooma jiidan tiradii Xusni Mubaarak xukunka ka tuurtay oo kale horraantii sanadkan.

Maalintii shalay, golaha dowladda Masar waxay soo gudbiyeen is-casilaaddooda oo ay u dhiibeen golaha milateriga ee dalka xukuma, kaddib maalmo rabshado ka socdeen waddanka Masar oo dhan,, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof.

Golaha milaterigu weli ma sheegin inay iscasilaadda dowladda aqbaleen iyo in kale.

Rabshado xoog leh ayaa xalay boliiska iyo dadka muddaharaadaya ku dhexmaray magaalooyinla Alexandria iyo Ismaaciiliya. Waxaa laga cabsi qabaa in rabshaduhu ay horseedaan in la baajiyo doorashooyinka baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in la qabto Isniinta soo socota.