3 qof ayaa lagu dilay Yemen

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof ay magaalada Sanca ee xarunta waddanka Yemen ay ku dhinteen ka dib markii dabley daacad u ah Madaxweyne Ali Abdulah Saleh ay rasaas ku furtay.

Arrintani waxay ku soo beegantay maalin ka dib markii uu saxiixay in uu xilka ka degeyo.

Qaar kale ayaa lagu dhaawacay banaanbax ka dhacaya fagaaraha isbeddelka kuwaasi oo ka soo horjeeda heshiiska ah in aan waxba loo raacan doonin.

Madaxweynaha Yemen Ali Cabdalla Saalax wuxuu oggolaaday inuu awoodda ku wareejiyo ku xigeenkiisa kadib markii muddo sagaal bilood ah ay socdeen banaanbaxyo looga soo horjeedo xukuniisa.

Kumanaan dad ah ayaa soo dhaweeyay warka ku saabsan inuu xilka ka degayo, halka qaarna ay diideen heshiiska.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa soo dhaweeyay heshiiska, isagoo ku boorriyay dhinacyadu in ay hirgeliyaan.