Syria oo cunaqabateyn lagu soo rogay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Syria waxa ka socda dibedbaxyo looga soo horjeedo dowladda Bashaar al-Asad

Wasiirada arrimaha dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa u codeeyay cunaqabateyn dhaqaale oo lagu soo rogo Syria oo looga jawaabayo rabshadaha ka dhan ah dadka ka soo horjeeda dowladda.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Qatar Hamad bin Jassim ayaa sheegay in 22 dal ee jaamacadda Carabta ay taageereen tallaabadan cunaqabateynta ah oo ay ku jirto xannibaad socdaalka madaxda Syria.

Laakiin waxa uu sheegay in dalalka deriska la ah Syria iyo kuwa ganacsiga la leh, sida Ciraaq iyo Lebanon in aanay u codeyn cunaqabateynta, oo ay sheegeen in aanay dhaqan gelin doonin.