Ruushka: Suuriya ha laga daayo caga-jugleynta

Sargei Lavrov iyo Hilary Clinton Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sargei Lavrov iyo Hilary Clinton

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ruushka, ayaa yiri waa in la joojiyaa digniinaha loo jeedinayo Suuriya.

Isagoo hadlayay maalin uun ka dib markii Mareykanka iyo Midowga Yurub ay sheegeen in loo baahan yahay tallaabooyin hor leh laga qaado dowladda Madaxweyne Asad.

Wasiirka arrimahaDibadda ee Suuriya wuxuu ku tilmaamay in loo baahan yahay in la isku dayo in la dhiirri geliyo wadahadal siyaasadeed.

Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Susan Rice, waxay sheegtay in la gaaray xilli loo baahan yahay in Golaha Ammaanku qaato tallaabo cad.